HADHWANAAGNEWS
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan "Ramaax”, ayaa shaaciyey in aan wax danbi ah lagu waayin masuuliyiintii iyo xubnihii Dowladda Hoose ee Burco oo dhawaan uu xabsiga u taxaabay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, kadib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo lunsi hanti dadweyne.
Guddoomiye Ramaax ayaa sheegay in baaritaankii la sameeyey kadib ay soo baxday in aysan jirin wax eed ah oo lagu helay masuuliyiintaas, isla markaana warqad rasmi ah oo arrintaas caddeyneysa ay soo bixi doonto.
Isaga oo ka jawaabayey su’aal arrintaas ku saabsan ayuu yidhi:
"Waxba waa lagu waayay Dowladda Hoose Burco, qoraalkeediina wuu soo baxayaa, waana laydiin siinayaa warbaahinta.”
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in marka warqadda rasmiga ahi soo baxdo warbaahinta iyo bulshada loo soo bandhigi doono, si loo caddeeyo natiijada arrintaasi.