HADHWANAAGNEWS
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Cabdillaahi Maxamuud Ibraahim (Peershiya), ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ay si weyn ugu baahan tahay biyo nadiif ah oo ku filan.
Maareeyaha ayaa si cad u muujiyey baahida jirta, isaga oo yidhi:
"Hargeysa biyo ayay u baahan tahay, hadal kale uma baahna.”
Mudane Cabdillaahi Maxamuud Ibraahim oo ka hadlayay munaasibad afur-sharafeed ah ayaa xusay in dadka magaalada Hargeysa ee si toos ah u hela biyo ay hadda yihiin qiyaastii 14% oo keliya, taas oo muujinaysa baahida weyn ee ka jirta adeegga biyaha.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in mashruuca cusub ee balaadhinta biyaha la filayo inuu door weyn ka qaato kordhinta helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan.
Dhanka kale, maareeyuhu wuxuu bulshada u xaqiijiyey in maamulka wakaaladda biyaha ay kordhin doonaan dadaalka lagu xallinayo arrintan, isla markaana xoogga la saari doono sidii dhammaan magaalada Hargeysa u heli lahayd biyo nadiif ah mustaqbalka dhow.