HADHWANAAGNEWS
Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqaadir Ismaaciil (Jaylaani), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mohamed Sillah, oo ah Madaxa hay’adda caalamiga ah ee ActionAid, iyo Farhan Omar, oo ah Madaxa Mashaariicda ee hay’adda.
Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho iyo wada-tashi ah, waxaana diiradda lagu saaray sidii Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo ActionAid u xoojin lahaayeen iskaashi ku saabsan horumarinta iyo taageeridda fursadaha dhallinyarada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay abuurista barnaamijyo iyo mashaariic taageera kobcinta kartida dhallinyarada, kuwaas oo gacan ka geysan kara helitaanka fursado shaqo iyo horumar bulsho.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada-hadallada iyo xoojinta iskaashiga mustaqbalka, si loo taageero horumarka iyo awood-siinta dhallinyarada Somaliland.