Cilmi-baaris: Isbeddellada Gobolka oo Sare u Qaadaya Doorka Istiraatiijiyadeed ee Somaliland

Saturday March 28, 2026 - 14:58:28
HADHWANAAGNEWS
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in: ...



Cilmi-baadhis uu sameeyay Machadka The Nordic Africa Institute ayaa muujisay in isbeddellada siyaasadda juqraafiyeed ee Geeska Afrika iyo colaadaha ka socda Bariga Dhexe ay si weyn u saameynayaan dheelitirka awoodda gobolka.


 

Warbixintu waxay tilmaantay in isbeddelladan ay kor u qaadeen fursadaha istiraatiijiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, halka ay hoos u dhigayaan doorka istiraatiijiyadeed ee Jabuuti, gaar ahaan dekeddeeda oo muddo dheer ahayd marin muhiim u ah ganacsiga Itoobiya.


 

Cilmi-baadhe sare Redie Bereketeab ayaa xusay in horumarinta dekedo kale oo gobolka ku yaalla, sida dekedda Berbera, ay wiiqayso kalsoonidii hore ee lagu qabay dekedda Jabuuti, taas oo saamayn ku yeelan karta ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga.


 

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in:


 

Khilaafaadka Bariga Dhexe ay beddelayaan jihada ganacsiga iyo amniga


Itoobiya ay raadinayso dekedo kale oo ka baxsan ku-tiirsanaanta Jabuuti


Dekedda Berbera loo diyaariyay inay noqoto albaab ganacsi oo muhiim ah


 

Intaa waxa dheer, warbixintu waxay tilmaantay in aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israel bishii Diseembar 2025 uu yahay tallaabo diblomaasiyadeed oo sare u qaaday miisaanka Somaliland ee gobolka.


 

Sidoo kale, waxa lagu sheegay in suurtagalnimada dhismaha saldhigyo milatari oo ku dhow Berbera ay si weyn u beddeli karto dheelitirka awoodda, isla markaana ay dhaawac dhaqaale u keeni karto Jabuuti.


 

Gabagabadii, cilmi-baadhistu waxay muujisay in isbeddelladan ay tilmaamayaan nuglaanta qaab-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Jabuuti, isla markaana haddii dheelitirka awoodda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu sii is beddelo, ay Jabuuti lumin karto kaalinteeda istiraatiijiyadeed ee gobolka, halka Somaliland ay sii kordhinayso doorkeeda.

     
Loading...