hadhwanaagnews

Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Faarax, ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Togdheer, gaar ahaan xafiiska hay’adda ee gobolkaasi.
Isu-duwaha hay’adda ee gobolka Togdheer, Eng. Cawil Cabdi Cawil, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay xafiiska, iyadoo sidoo kale Duqa degmada Burco uu uga mahadceliyay booqashadiisa iyo dadaallada uu ku horumarinayo waddooyinka.
Maareeyaha ayaa shaqaalaha xafiiska Burco kula dardaarmay inay muujiyaan shaqo wanaag, isla markaana ay gutaan masuuliyadda ay u hayaan bulshada, maadaama ay muhiim u yihiin isku xidhka gobollada bariga dalka.