Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Soo Xidhay Tababar Lagu Xoojinayey Dib-u-habaynta Wasaaradda

Thursday October 22, 2026 - 18:30:25
hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud oo Ku Adkeeyey Guddida Waxqabad Muuqda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa soo xidhay tababar socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo lagu xoojinayey aqoonta guddida isku-dubbaridka dib-u-habaynta wasaaradda, si loo dardargeliyo hirgelinta isbeddellada qorshaysan.

Tababarkan ayaa qayb ka ah Istaraatiijiyadda Maaraynta Isbeddelka ee Wasaaradda Maaliyadda, taas oo taageero ka heshay Mashruuca SERP, isla markaana diiradda saaraysa xoojinta wada-shaqaynta waaxyaha, dabagalka qorshayaasha iyo joogtaynta hawlaha dib-u-habaynta.

Agaasimaha Guud oo Ku Adkeeyey Guddida Waxqabad Muuqda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa xubnaha guddida ku boorriyey inay aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ka korodhsadeen u beddelaan waxqabad muuqda oo ka dhex hirgala shaqada wasaaradda.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in guusha dib-u-habayntu aanay ku koobnayn diyaarinta qorshayaal iyo dukumentiyo, balse ay muhiim tahay in isbeddel dhab ahi ka muuqdo hawlaha maalinlaha ah ee wasaaradda.

Mashruuca SERP oo Adkeeyey Muhiimadda Dabagalka

Dhankiisa, Madaxa Mashruuca SERP, Maxamuud Cumar Xuseen, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isku-dubbarid iyo dabagal joogto ah, si dib-u-habaynta loogu hirgeliyo si nidaamsan oo waafaqsan qorshayaasha wasaaradda.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda guddida isku-dubbaridka dib-u-habaynta, kor loogu qaadayo wada-shaqaynta waaxyaha, isla markaana loo xaqiijinayo in isbeddellada qorshaysan ay noqdaan kuwo si dhab ah uga hirgala Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland.
     
Loading...