Somaliland oo hawlgelisay shaybaadh casri ah oo lagu baadho macdanta dalka

Monday November 16, 2026 - 10:38:09
hadhwanaagnews
Agaasimaha Wasaaradda, Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa sheegay in shaybaadhkani


Hadhwanaagnews.com | Somaliland | Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgelisay shaybaadh casri ah oo lagu baadho noocyada kala duwan ee macdanta dalka, kaas oo meesha ka saaraya baahida loo qabo in baadhitaannada macdanta loo diro xarumaha dibadda.

Agaasimaha Wasaaradda, Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa sheegay in shaybaadhkani awood u leeyahay baadhista noocyada kala duwan ee macdanta dalka laga soo saaro, isla markaana uu yarayn doono kharashka iyo wakhtiga ku bixi jiray baadhitaannada dibadda loogu diri jiray macdanta.

Waxa uu intaas ku daray in shaybaadhkani la jaanqaadayo xarumaha casriga ah ee ka jira dalalka Geeska Afrika, isla markaana uu door muhiim ah ka qaadan doono qiimaynta, maaraynta iyo ilaalinta khayraadka macdanta Somaliland.
     
Loading...