Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in qalabkani hadda diyaar
Hadhwanaagnews.com | Berbera | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa sheegay in Cusbitaalka Guud ee Berbera markii ugu horraysay laga hirgeliyey qalabka casriga ah ee CT Scan-ka, kaas oo kor u qaadaya awoodda baadhitaannada caafimaad ee gobolka Saaxil.
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in qalabkani hadda diyaar yahay, isla markaana ay joogaan dhakhaatiir takhasus u leh adeeggiisa. Tallaabadan ayaa bulshada reer Berbera ka yaraynaysa baahida ay ugu safri jireen magaalooyinka kale si ay u helaan baadhitaannada caafimaad ee u baahan qalabka CT Scan-ka.
Waxa kale oo uu sheegay in qalabka CT Scan-ka la gaadhsiiyey saddex ka mid ah gobollada Somaliland, kuwaas oo kala ah Awdal, Saaxil iyo Sanaag.