hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mowliid Cabdi Muuse, ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku awood u leeyihiin inay qof qabtaan iyaga oo warrant haysta ama aan haysan, isaga oo xusay in sharcigu u jideeyey labada xaaladoodba.
Hase yeeshee, Xeer-ilaaliyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in ciidamadu waajib ku tahay inay ilaaliyaan sharciga, caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada, isla markaana habka ay u marayaan qabashada qofku uu waafaqsan yahay nidaamka sharciga.
Mowliid Cabdi Muuse ayaa hadalkan ka sheegay munaasibaddii lagu xusay sannad-guuradii aasaaska Ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana sheegay in wixii khaladaad ah ee dhaca la sixi doono.
Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa yidhi:
"Waxa Ciidanka Booliska ku waajib ah inay sharciga ku dhaqmaan, caddaaladda ilaaliyaan iyo inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah. Ciidanka Boolisku warrant iyo warrant la’aanba qof way ku qaban karaan, sharciga ayaana u jideeyey, laakiin waxa laga doonayaa in labadaba nidaamka ay u marayaan uu yahay nidaam sharciga waafaqsan.
Bulshada waxaan leenahay Booliska hala la shaqeeyo, wixii ka qaldamana waa la saxayaa oo waa toosinaynaa.”