hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Dubai, Imaaraadka Carabta | Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shirkadda Regal Earth ayaa magaalada Dubai ku kala saxeexday heshiis is-afgarad oo ku saabsan baadhista iyo sahaminta khayraadka macdanta dalka.
Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa muddo saddex maalmood ah kulamo shaqo oo muhiim ah la yeeshay masuuliyiinta Shirkadda Regal Earth, kuwaas oo ka dhacay JW Marriott Hotel ee magaalada Dubai.
Kulamadan oo daba socday wada-hadallo hore oo dalka gudihiisa ka dhacay ayaa diiradda lagu saaray baadhista iyo sahaminta noocyada kala duwan ee macdanaha ku duugan Somaliland.
Gabagabadii kulamada, labada dhinac ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad (Communiqué), kaas oo saldhig u noqonaya wada-shaqaynta iyo qorshayaasha kulamada dambe ee la xidhiidha baadhista iyo sahaminta khayraadka macdanta Somaliland.