Shirweynaha Qaran ee Cilmi-baadhista Hay'adaha Dawladda oo soo saaray lix qodob oo lagu horumarinayo cilmi-baadhista

Saturday November 21, 2026 - 12:34:21
hadhwanaagnews
Qodobada ka soo baxay shirweynaha waxa ka mid ah kordhinta miisaaniyadda



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Shirweynaha Qaran ee Cilmi-baadhista Hay’adaha Dawladda, oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa, isla markaana uu soo qabanqaabiyey Machadka Shaqaalaha Dawladda, ayaa soo saaray lix qodob oo lagu xoojinayo doorka cilmi-baadhista ee horumarinta hay’adaha dawladda.

 

Qodobada ka soo baxay shirweynaha waxa ka mid ah kordhinta miisaaniyadda cilmi-baadhista, aasaasidda xarun qaran oo isku-dubbaridda cilmi-baadhista, dejinta siyaasad qaran oo hagta cilmi-baadhista iyo in natiijooyinka daraasadaha si toos ah loogu saleeyo qorshaynta iyo go’aan-qaadashada dawladda.

 

Waxa kale oo shirweynuhu xoogga saaray tayaynta aqoonta iyo awoodda hay’adaha cilmi-baadhista, iyo horumarinta nidaamyada xogta qaranka, si loo helo xog sugan oo saldhig u noqota go’aanno wax-ku-ool ah.

 

Shirweynaha ayaa lagu sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay dhismaha hannaan maamul oo ku dhisan xog, caddayn cilmiyeed iyo go’aanno horseeda hufnaan iyo horumarinta adeegyada dawladda.

     
Loading...