Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Ka Hadlay Diyaargarowga Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga WADDANI

Tuesday November 10, 2026 - 10:26:50
hadhwanaagnews
Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook...

 

May be an image of one or more people, dais and text

Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay kulan ay yeesheen Guddida Fulinta Xisbiga, kaas oo diiradda lagu saaray hawlaha iyo qorshayaasha shaqo ee xisbiga, gaar ahaan qabanqaabada Shirweynaha Saddexaad ee WADDANI.

 

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga ayaa xubnaha Guddida Fulintu ku wadaageen warbixinno muhiim ah, iyaga oo falanqeeyey hawlaha horyaalla xisbiga iyo heerka diyaar-garowga shirweynaha soo socda.

 

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku faahfaahiyey kulanka, isaga oo yidhi:

 

"Waxa Xarunta Dhexe ee Xisbul Xaakimka WADDANI nooga qabsoomay shirkii Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI, halkaas oo aannu warbixinno muhiim ah isku weydaarsannay, isla markaana ay guddidu kaga arrinsatay hawlaha iyo shaqooyinka xisbiga, iyada oo si gaar ah shirku diiradda u saaray hawlaha qabanqaabada Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga WADDANI.”

 

Kulankan ayaa qayb ka ah hawlaha hoggaanka Xisbiga WADDANI ku diyaarinayo shirweynaha saddexaad, kaas oo ka mid ah qorshayaasha iyo hawlaha urureed ee xisbiga horyaalla.

May be an image of dais and text
May be an image of one or more people, dais and text
May be an image of one or more people and dais
May be an image of one or more people and text
May be an image of text


     
Loading...