Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Somaliland oo Ka Hadlay Xogta iyo Lacagaha Dammaanadda ah ee Sarifleyaasha Dalka

Thursday November 12, 2026 - 20:47:32
hadhwanaagnews
Waxa uu intaas ku daray in Baanka Dhexe uu sidoo kale sarifleyaasha



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa sheegay in Baanku hayo dhammaan xogta aasaasiga ah ee sarifle kasta oo dalka ka shaqeeya, meel kasta oo uu kaga sugan yahay Somaliland.

 

Waxa uu intaas ku daray in Baanka Dhexe uu sidoo kale sarifleyaasha dalka ka hayo lacago dammaanad ah, maadaama ay gacanta ku hayaan dhaqaalaha bulshada.

 

Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in marba marka ka dambaysa la saxayo lana hagaajinayo hannaanka sarifka lacagaha, isaga oo hadalkan ka sheegay munaasibad uu tababar ugu soo xidhayay saraakiil ka tirsan laamaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

     
Loading...