Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyeynayaa Ciidanka Qaranka JSL oo uu ka tirsanaa,
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Dawladda, ka Ciidamada Qaranka iyo ka Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaanba Shacabka JSL ee uu ka baxay AHUN Gaashaanle Sare Maxamed Abokor Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyeynayaa Ciidanka Qaranka JSL oo uu ka tirsanaa, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Ciidanka Qaranka, muddo dheer ahaa Abaan-duulaha Aagga Bari, haatanna ahaa Taliyahii Kulliyadda Ciidanka Qaranka ee Mujaahid Cabdillaahi Askar.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, waxa uu Marxuum G/Sare Maxamed Abokor Maxamed ku sifeeyey dal-jir iyo halyey dalkiisa iyo dadkiisaba ugu soo adeegay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh ; waxana uu Marxuumka ALLE SXWT uga baryayaa in uu u naxariisto, Jannatul Firdowsa Aclaa ka waraabiyo, Qoyska, Ehellada, Qaraabada, Asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxaynauu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN