Golaha Guurtida Somaliland oo Isku-shaandhayn ku Sameeyey Agaasimayaasha 13-ka Waaxood

Thursday November 12, 2026 - 20:45:36
hadhwanaagnews
Masuuliyiinta loo magacaabay waaxyaha kala duwan ayaa kala ah:



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa isku-shaandhayn ku sameeyey agaasimayaasha waaxyaha Golaha, si loo dardargeliyo hawlaha shaqo iyo hufnaanta maamulka.

 

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Shir-guddoonka, kuna taariikhaysan 12-ka November 2026, ayaa lagu magacaabay masuuliyiinta hoggaaminaya 13 waaxood oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maamulka iyo Maaliyadda, Shaqaalaha, Amniga, ICT-ga, Qorshaynta iyo Xidhiidhka Bulshada.

 

Masuuliyiinta loo magacaabay waaxyaha kala duwan ayaa kala ah:

 

Khaliil Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf – Waaxda Iibka.

 

Saleebaan Cawil Cabdi – Waaxda Daabacaadda.

 

Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahin – Waaxda Shaqaalaha.

 

Xasan Muumin Maxamed – Waaxda ICT-ga.

 

Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamuud – Waaxda Xusuus-dhawrka.

 

Faadumo Cabdi Habane – Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda.

 

Faaisa Maxamed Axmed – Waaxda Laybareeriga.

 

Axmed Ciise Maxamed – Waaxda Guddiyada.

 

Aadan Cumar Xuseen – Waaxda Hadal-qoraalka.

 

Maxamed Iimaan Maxamed – Waaxda Qorshaynta.

 

Maxamuud Cabdi Biixi – Waaxda Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Bulshada.

 

Aadan Daahir Aw Cali – Waaxda Gaadiidka.

 

Daahir Cabdiraxmaan Maxamuud – Waaxda Amniga.

     
Loading...