hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa soo bandhigtay afar caqabadood oo waaweyn oo saamayn ku leh wax-soo-saarka gudaha, kuwaas oo la xidhiidha biyo-yaraanta, tamarta, xirfadaha iyo awoodda farsamo, iyo helitaanka maalgelinta.
Daraasaddan oo ay sameeyeen xubno ka tirsan guddida oo fadhigii hore loo xil saaray, ayaa lagu soo bandhigay kulan uu guddoominayey Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirrada.
Daraasaddu waxay si gaar ah diiradda u saartay caqabadaha hortaagan koboca wax-soo-saarka gudaha, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo xog sugan iyo talooyin wax ku ool ah oo saldhig u noqda dejinta siyaasadaha dhaqaalaha iyo qorshayaasha maalgashi ee dalka.
Natiijooyinka daraasaddan ayaa la filayaa inay kaalin ka qaataan aqoonsiga baahiyaha ugu muhiimsan ee wax-soo-saarka gudaha, iyo dejinta qorshayaal lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi ee Somaliland.