hadhwanaagnews
Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa sheegay in bishii October ee sannadkan ay hawlgallo samatabixin ah u fuliyeen 25 carruur ah oo ku xannibmay guryaha, kaddib markii albaabadu ka xidhmeen ama ay carruurtu gudaha iskaga xidheen.
Sida lagu sheegay xogta Ciidanka Dab-demiska, dhammaan 25-ka carruur ah ayaa lagu guulaystay in la soo badbaadiyo, iyada oo aanay jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay hawlgalladaas.
Ciidanku waxa uu walaac ka muujiyey korodhka kiisaska carruurta yaryar ee guryaha ku xannibma, isaga oo arrintan la xidhiidhiyey dayacaadda iyo taxaddar la'aanta waalidiinta qaarkood.
Dhacdooyinkan ayaa imanaya xilli ay hore u jireen kiisas carruur yaryar ay noloshooda ku waayeen dab ka kacay guryo ay ku xannibnaayeen, kaddib markii albaabada laga soo xidhay. Arrintan ayaa mar kale iftiiminaysa khatarta ka dhalan karta in carruurta yaryar keligood lagu daayo guryaha.
Ciidanka Dab-demisku waxa uu waalidiinta ugu baaqay inay si joogto ah ula socdaan xaaladda carruurtooda, kana fogaadaan inay keligood ku xidhaan qolalka ama guryaha. Waxa kale oo uu kula taliyey inay guryaha u samaystaan furayaal kayd ah, si gurmad degdeg ah loogu sameeyo marka ay dhacaan xaalado noocan ahi.
Ugu dambayn, Ciidanka Dab-demisku waxa uu carrabka ku adkeeyey in badbaadada carruurtu u baahan tahay feejignaan iyo masuuliyad waalidnimo, isaga oo bulshada ugu baaqay inay qaataan digniinaha iyo talooyinka hay'adaha amniga, si looga hortago shilal sababi kara dhimasho iyo dhaawac.
Hadhwanaagnews – Hargeysa