hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaciyey in maalmaha soo socda si rasmi ah loo daah-furi doono barnaamijka xubinnimada xisbiga, kaas oo lagu sameeyey dib-u-habayn, horumarin iyo casriyayn.
Guddoomiye Xirsi ayaa sheegay in barnaamijkan cusub ujeeddadiisu tahay in taageere kasta oo xisbiga ka tirsan, gudaha iyo dibaddaba, uu si toos ah ugu xidhnaado xisbiga, isla markaana uu heli karo xogaha xisbiga, si fudud ula xidhiidhi karo hoggaanka, talo iyo tusaalena ku biirin karo hawlaha xisbiga.
Waxa uu xusay in himilada barnaamijkani tahay in xubin kasta uu dareemo lahaanshaha xisbiga, kana qayb qaato horumarkiisa iyo hawlihiisa.