Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Xasan Ciise Jibriil u Magacaabay Guddoomiyaha WADDANI ee Gobolka Saraar

Sunday November 01, 2026 - 13:30:22
hadhwanaagnews
Qoraalkiisa ayuu ku yidhi:



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Xasan Ciise Jibriil u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Xisbiga WADDANI.


 

Guddoomiye Xirsi ayaa magacaabistan ku shaaciyey qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, isaga oo sheegay in Xasan Ciise Jibriil yahay siyaasi ruugcaddaa ah, isla markaana ka mid ah tiirarka Xisbiga WADDANI ee Gobolka Saraar.


 

Qoraalkiisa ayuu ku yidhi:


 

"Waxa aan maanta magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Xisbiga WADDANI, Mudane Xasan Ciise Jibriil, oo siyaasi ruugcaddaa ah, isla markaana ka mid ah tiirarka Xisbul Xaakimka WADDANI ee Gobolka Saraar.


 

Guddoomiye Xasan Ciise, waan ku kalsoonahay waayo-aragnimadiisa iyo kartidiisa buuxda ee uu u leeyahay masuuliyaddan, waxaana aan Ilaahay uga baryayaa inuu ku garab galo gudashada xilkan culus."

     
Loading...