Cabdiqaadir, oo la sheegay inuu ka soo jeedo Soomaaliya, ayaa waraysi
Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka hal sanno oo xadhig ah ku xukuntay Cabdiqaadir Cabdi Cali Sharaay, oo lagu eedeeyey inuu jebiyey sharciga Somaliland.
Cabdiqaadir, oo la sheegay inuu ka soo jeedo Soomaaliya, ayaa waraysi uu hore u bixiyey isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ku sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay isla saaka saddex bilood oo xadhig ah ku xukuntay suxufi Cabdiraxmaan Maxamed Cige, oo ahaa suxufigii waraystay Cabdiqaadir.