hadhwanaagnews
Burco (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa kulan la yeeshay Isuduwaha Tacliinta Sare ee Gobollada Bariga (GTS) iyo maamullada jaamacadaha gobolka, kaas oo diiradda lagu saaray tayaynta waxbarashada sare iyo ku dhaqanka siyaasadaha iyo xeerarka tacliinta.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay hirgelinta go’aamadii hore looga gaadhay arrimaha tacliinta sare, iyadoo si gaar ah loo adkeeyey joojinta barnaamijka loo yaqaan "Docka Tuur-ka”, kaas oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo siyaasadaha waxbarashada sare.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Isuduwaha Tacliinta Sare ayaa maamullada jaamacadaha ku boorriyey inay ilaaliyaan xeerarka iyo halbeegyada waxbarashada sare, isla markaana hubiyaan in barnaamijyada waxbarasho ee ay bixiyaan ay waafaqsan yihiin nidaamka iyo siyaasadaha tacliinta.
Masuuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay tayaynta waxbarashada sare, si loo soo saaro arday leh aqoon iyo xirfad tayo leh oo kaalin muuqata ka qaata horumarka qaranka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaaminta iyo tayaynta waxbarashada sare ee gobolka Togdheer.