hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Togdheer | Wasiirka Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Somaliland, Xasan Macallin, ayaa sheegay in xukuumadda uu waajib weyn ka saaran yahay inay wax u qabato shacabkeeda, isaga oo xusay in arrintaasi ay ka mid tahay hawlaha ay xukuumaddu waddo.
Wasiirka ayaa si weyn u bogaadiyey Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, isaga oo sheegay inuu sare u qaaday hawlaha iyo shaqada sanduuqa.
Sidoo kale, Wasiir Xasan Macallin ayaa dhalinyarada ku guulaysata tartanka maalgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada ee gobolka Togdheer kula dardaarmay inay noqdaan cashuur iyo sako-bixiyayaal.
"Waa waajib xukuumadda saaran inay dadkeeda wax u qabato. Waxaana rajaynayaa in dhalinyarada ku guulaysata maalgelinta Sanduuqa Dhalinyarada ee Togdheer ay noqdaan cashuur iyo sako-bixiyayaal,” ayuu yidhi Wasiirka Dowladaha Hoose Somaliland, Xasan Macallin.