hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay ku joojisay hawlaha abaabulka, xayaysiinta iyo gudbinta bukaanada dalka dibaddiisa ee ay wadeen shirkadaha SOHA iyo Aster Hospital Referral.
Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, oo soo saaray wareegtada ayaa sheegay in labada shirkadood aanay haysan ruqsad ay ku qabtaan adeegyada gudbinta bukaanada dibadda.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale caddeeyay inay mamnuuc tahay in bukaanada xaaladdooda caafimaad lagu daweyn karo gudaha dalka loo abaabulo inay dibadda u baxaan, iyadoo laga leeyahay dano dhaqaale ama ganacsi.