Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo badbaadiyey ilmo yar oo guriga albaab bir ahi kaga xidhmay

Friday November 27, 2026 - 17:59:36
hadhwanaagnews
Ciidanka ayaa ku guulaystay inay furaan albaabka guriga, isla markaana



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa hawlgal samatabixin ah ka fuliyey degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku guulaysteen inay ku badbaadiyaan ilmo yar oo albaab bir ahi gudaha guriga kaga xidhmay.

 

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay furaan albaabka guriga, isla markaana ay ilmaha yar dibadda u soo saaraan isaga oo aan wax dhaawac ahi soo gaadhin.

 

Ciidanka Dab-demiska ayaa waalidiinta uga digay inay carruurta yaryar guryaha ku xidhaan iyaga oo aanay la joogin qof weyn oo masuul ka ah ilaalintooda, iyaga oo tilmaamay in arrintaasi khatar gelin karto nolosha iyo badbaadada carruurta.

     
Loading...