Komishanka Maamul-Wanaagga Somaliland oo kormeer ku sameeyey wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda

Friday November 27, 2026 - 17:49:04
hadhwanaagnews
Kormeerkan ayaa lagu eegay joogitaanka shaqaalaha goobahooda shaqo,



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Komishanka Maamul-Wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kormeer ku sameeyey wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda, isaga oo qiimayn ku sameeyey u hoggaansanaanta saacadaha rasmiga ah ee shaqada iyo gudashada waajibaadka shaqaalaha dawladda.

 

Kormeerkan ayaa lagu eegay joogitaanka shaqaalaha goobahooda shaqo, ilaalinta wakhtiga rasmiga ah, habsami-u-socodka hawlaha xafiisyada iyo sida ay shaqaaluhu u gutaan masuuliyadaha loo igmaday.

 

Tallaabadani ayaa qayb ka ah dedaallada Komishanku ku xoojinayo la-socodka shaqaalaha dawladda, isla-xisaabtanka iyo ku-dhaqanka nidaamka shaqo ee hay’adaha qaranka, si loo hubiyo in hawlaha dawladda loo fuliyo si hufan oo masuuliyad leh, isla markaana bulshada loo fidiyo adeegyo tayo leh.

     
Loading...