Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka digay gubista magaalooyinka iyo dhaca xoolaha xilliyada colaadaha

Friday November 27, 2026 - 17:50:21
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa sheegay in aanay xukuumaddu u dulqaadan doonin



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Sandheere, ayaa dhaqan cusub oo uu sheegay inuu Somaliland ka soo baxay, kaas oo ah gubista magaalooyinka iyo dhaca xoolaha xilliyada colaadaha, ku tilmaamay arrin laga xumaado oo aan loo dulqaadan karin.

 

Wasiirka ayaa sheegay in aanay xukuumaddu u dulqaadan doonin falalka noocaas ah, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda.

 

"Waxa iminka soo baxay dhaqan aanay Somaliland caan ku ahayn, waddo la istaago oo budhcad dadka baadhato, geel iyo xoolo la dhaco, magaalooyin la gubo oo ay ugu dambaysay tii xalay ka dhacday Saylac. Xukuumaddu uma dulqaadan doonto qaadicul-dariiq iyo dad magaalo lagu laayo oo dambe. Tallaabo adag ayaa laga qaadayaa, 24-ka saacadood ee soo socda ayaana jecelnahay inay hawshaasi ku dhammaato,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Sandheere.

     
Loading...