hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Boorama | Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, ayaa bulshada gobolka Awdal ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan Xarunta Hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee wasaaraddu ka hirgelisay magaalada Boorama.
Wasiirka ayaa sheegay in xaruntan loogu talagalay kobcinta xirfadaha dhalinyarada, tababaridda iyo dhiirrigelinta hal-abuurkooda, si ay u soo bandhigaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen.
"Bulshada Awdal waxaan ugu baaqayaa inay ka faa’iidaystaan Xarunta Hal-abuurka Tiknoolajiyadda ee Wasaaradda Isgaadhsiinta,” ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu intaa ku daray in xarunta lagu tababari doono dhalinyarada gobolka, si ay uga faa’iidaystaan tiknoolajiyadda casriga ah, una horumariyaan uguna soo bandhigaan hibadooda iyo xirfadahooda.