Xukuumadda Somaliland oo ciidamo badan u dirtay gobollada Awdal iyo Salal

Friday November 27, 2026 - 17:51:53
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa shaaciyey in xukuumaddu ciidamadii ugu badnaa u dirtay


Hadhwanaagnews.com | Somaliland | Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa sheegay in xukuumaddu go’aan ku gaadhay in gobollada Awdal iyo Salal dib loogu soo celiyo nabadgelyadii ka jirtay, kadib dagaallo iyo shaqaaqooyin ka taagnaa deegaannadaas muddadii u dambaysay.


 

Wasiirka ayaa shaaciyey in xukuumaddu ciidamadii ugu badnaa u dirtay labada gobol, si ay u qaadaan tallaabooyin lagu adkaynayo amniga looguna soo celinayo xasilloonida.


 

"Xukuumaddu waxay go’aansatay in labadaa gobol ee Awdal iyo Salal lagu soo celiyo nabadgelyo, ciidamo aad u badan ayaannu u dirnay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere).

     
Loading...