hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Washington, Maraykanka | Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday canshuuro ganacsi oo cusub oo lagu soo rogayo badeecadaha ay dalal badan u dhoofiyaan dalkaas, kadib markii Washington ay baadhitaan ku samaysay awoodda wax-soo-saarka warshadaha ee dalalkaasi.
Baadhitaankan oo lagu saleeyey qodobka 301-aad ee sharciga ganacsiga Maraykanka ayaa saamaynaya 14 dal iyo Midowga Yurub, kuwaas oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Japan, Hindiya, Kuuriyada Koonfureed iyo Vietnam.
Heerka canshuuraha cusub ayaa ku kala duwan dalalka, iyadoo Shiinaha lagu soo rogay canshuur gaadhaysa ilaa 40%, Vietnam-na 35%, halka dalal kale ay wajahayaan canshuuro u dhexeeya 20% ilaa 25%.
Si kastaba ha ahaatee, canshuuraha dhabta ah ee dalalka qaarkood lagu dabaqayo ayaa ka hooseyn kara heerarkan, sababo la xidhiidha heshiisyo ganacsi oo ay hore ula galeen Madaxweyne Donald Trump.