Ted Cruz oo Maraykanka ugu baaqay inuu qaado tallaabooyin lagu aqoonsanayo madax-bannaanida Somaliland

Sunday November 15, 2026 - 10:33:05
hadhwanaagnews
Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa ku yidhi: "Madaxweyne Donald Trump waxa uu si cad

 

Hadhwanaagnews.com | Maraykanka | Xildhibaan Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka, isla markaana si weyn ugu ololeeya arrimaha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ay tahay inay qaaddo tallaabooyin waafaqsan aragtida iyo hagitaanka Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ay ka mid tahay aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.

 

Ted Cruz oo xalay qoraal ku baahiyey bartiisa X ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu si cad u muujiyey mowqifkiisa ku aaddan Somaliland, isaga oo xusay in Somaliland ay tahay dal gebi ahaanba ka duwan Soomaaliya.

 

Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa ku yidhi: "Madaxweyne Donald Trump waxa uu si cad u muujiyey mowqifkiisa ku aaddan Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay tahay dal gebi ahaanba ka duwan Soomaaliya.”

 

Waxa uu intaas ku daray: "Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykankuna waa inay qaaddaa tallaabooyin waafaqsan hagitaanka iyo aragtida Madaxweynaha, kuwaas oo ay ku jirto in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.”

 

Ted Cruz ayaa sidoo kale sheegay in toddobaadkii hore uu su’aalo ka weydiiyey musharraxa uu Madaxweyne Trump u magacaabay xilka Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Somaliland.

 

"Waxa aan si cad ugu sheegay in ansixinta magacaabistiisu ay ku xidhan tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku horumar ka samayso xaqiijinta himiladaas,” ayuu yidhi Ted Cruz.

     
Loading...