hadhwanaagnews
Erbil (Hadhwanaagnews) – Weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo lagu qaaday xarun gaas oo ku taalla gobolka Kurdiyiinta ee waqooyiga Ciraaq ayaa sababay dab ka kacay xarunta, isla markaana hakad geliyey sahaydii korontada ee gobolka.
Weerarka oo dhacay habeenkii Axadda ayaa sababay in in ka badan 70 boqolkiiba gobolka Kurdistan ay koronto la’aan noqdaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ciraaq iyo kuwa maamulka Kurdistan.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga cidda ka dambaysay weerarka, sidoo kalena lama xaqiijin inuu xidhiidh la leeyahay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.
Omid Axmed, oo ah afhayeenka Wasaaradda Korontada ee Dowladda Gobolka Kurdistan, ayaa sheegay in weerarku hakiyey sahaydii gaaska ee la siin jiray xarumaha koronto-dhalinta ee magaalooyinka Erbil, Sulaymaaniya, Bazian, Chamchamal iyo Duhok.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Ciraaq (INA), afhayeenku wuxuu sheegay in weerarku sababay in shabakadda korontada gobolka ay lumiso awood koronto oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 2,500 ilaa 2,800 oo megawatt.
Wuxuu intaas ku daray in Wasaaradda Korontadu ay mudnaan siin doonto xarumaha muhiimka ah, gaar ahaan isbitaallada iyo xarumaha sifaynta biyaha.
Si loo yareeyo saamaynta koronto la’aanta, maamulka gobolka ayaa qorshaynaya inuu hawlgeliyo xarumaha korontada laga dhaliyo biyaha (Hydroelectric) iyo xarumo kale oo ku shaqeeya shidaallo kale.
Weerarkan ayaa dhaliyey walaac ku saabsan amniga kaabayaasha muhiimka ah ee tamarta ee waqooyiga Ciraaq, xilli gobolka uu wajahayo xaalad amni oo cakiran, isla markaana aan weli la garan cidda ka dambaysay weerarka iyo ujeeddadiisa.