Iiran oo weerar ku qaaday Shirkad Shiidal oo ku taala Abu Dubia

Wednesday November 18, 2026 - 14:17:00
Shirkaddu waxay sheegtay in shaqaalihii kale ee markabka laga daadgureeyay.

Shirkadda Shidaalka Qaranka Abu Dhabi (ADNOC) ayaa saaka sheegtay in hal shaqaale oo ka tirsanaa shaqaalaha markabkeeda la la’yahay, halka 11 kalena ay ku dhaawacmeen weerar Talaadadii lagu qaaday m


arkabkaas oo marayay marin-biyoodka Hormuz.

Shirkaddu waxay sheegtay in shaqaalihii kale ee markabka laga daadgureeyay.

ADNOC oo ka hadlaysay shaqaalaha la la’yahay ayaa tiri: "Waxaa socda hawlgallo goobidda iyo samatabbixinta ah, kuwaas oo lala kaashanayo hay’adaha ay khusayso.”

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan amniga maraakiibta, sheegtay in shaqaalaha markab shidaal gaas dabiici ah (LNG) siday ay Talaadadii ka baxeen markabka, kaddib markii uu haleelay walax gantaal u eg.

Ilaalada Kacaanka Iran iyo ciidamada badda ee dalkaas ayaa Talaadadii sheegay in markab siday gaaska dabiiciga ah iyo laba markab oo shidaal siday ay dab qabsadeen iyagoo marayay marin-biyoodka Hormuz.

Source BBC Somali.

     
Loading...