hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay ilaalinayaan xuquuqda shirkadaha bixiya adeegga korontada, isla markaana aanay oggolayn in shirkadahaasi khasaare soo gaadho.
Wasiirku waxa uu sidoo kale caddeeyey in sida ay u ilaalinayaan xuquuqda shirkadaha laydhka, ay si la mid ah u ilaalinayaan danaha shacabka Somaliland, isla markaana aanay doonayn in shirkaduhu culays dhaqaale saaraan bulshada.
Isaga oo arrintaas ka hadlayey ayuu yidhi:
"Shirkadaha laydhka xuquuqdooda waanu ilaalinaynaa, shacabka-na ma doonayno in culays la saaro.”
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo marti ku ahaa barnaamijka Dareen Shacab ee Muuqbaahiyaha Qaranka ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Wasaaradda Tamarta iyo shirkadaha korontadu ay meel wanaagsan marayaan, isla markaana ay ku dhow yihiin in la soo gabagabeeyo.
Eng. Axmed Jaamac Barre ayaa sidoo kale xusay in go’aaminta korodhka qiimaha korontada ay masuuliyaddeedu saaran tahay Komishanka Nidaaminta Tamarta, isaga oo caddeeyey inaanay jirin cid kale oo awood u leh inay go’aan ka gaadho arrintaas.