Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland oo sheegay in Qaramada Midoobay kala shaqeeyaan soo celinta dhallinyarada ku sugan Liibiya

Friday November 27, 2026 - 17:33:08
hadhwanaagnews
"Xidhiidh baanu la leenahay Liibiya, waanu la xidhiidhnaa dhallinyarada Somaliland



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Somaliland, Saleebaan Ducaale X. Jaamac, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland xidhiidh la leedahay dalka Liibiya, isla markaana ay Qaramada Midoobay kala shaqayso soo celinta dhallinyarada reer Somaliland ee tahriibka lagu khalday, kuwaas oo ku sugan dalkaas.

 

"Xidhiidh baanu la leenahay Liibiya, waanu la xidhiidhnaa dhallinyarada Somaliland ee tahriibtay ee la khalday, waanu la hadalnaa, Qaramada Midoobayna waanu kala shaqaynaa. Diyaarad baa lagu soo saaraa,” ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiirku waxa uu caddeeyey in Somaliland aanay Soomaaliya kala shaqayn soo celinta dhallinyarada laga keenayo Liibiya, balse ay arrintaas si toos ah ugala shaqayso Qaramada Midoobay.

 

"Haddaannu nahay Somaliland, dhallinyarada Liibiya laga soo celinayo kalama shaqayno Soomaaliya ee UN-ta ayaannu kala shaqaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Ducaale X. Jaamac.

     
Loading...