Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland oo Shirkadaha Isgaadhsiinta Kala Hadashay Tartanka Mashruuca Fiber Optic-ga

Monday November 02, 2026 - 14:36:56
hadhwanaagnews
Kulanka oo uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa kulan la yeelatay shirkadaha isgaadhsiinta dalka, kaas oo lagaga wada hadlay wax-ka-beddelka go’aanka tartanka lagu bixinayo dhigidda xadhkaha Fiber Optic-ga ee mashruuca isku-xidhka dhijitaalka ah ee Bariga Afrika (EA-RDIP), kaas oo uu taageero Baanka Adduunku.

 

Kulanka oo uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, maareeyayaasha shirkadaha isgaadhsiinta dalka iyo masuuliyiinta fulinta mashruuca (PIU).

 

Intii uu kulanku socday, Wasaaraddu waxay shirkadaha isgaadhsiinta la wadaagtay go’aanka wax-ka-beddelka lagu sameeyey hannaanka tartanka, kaas oo la xidhiidha cidda loo tartansiinayo fulinta hawsha dhigidda xadhkaha Fiber Optic-ga.

 

Wax-ka-beddelkan ayaa ujeeddadiisu tahay in la helo hannaan tartan oo furan, kaas oo shirkadaha isgaadhsiinta siinaya fursad ay si wanaagsan ugu tartamaan fulinta hawshan, iyadoo mashruuca EA-RDIP uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo isku-xidhka dhijitaalka ah ee Bariga Afrika.

     
Loading...