hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Ciraaq | Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq, Cali al-Zaidi, ayaa xilka ka qaaday sagaal sarkaal oo sare oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, kuwaas oo lala xidhiidhiyey hawlgal la sheegay inuu ahaa tahriibinta shidaalka oo ka dhacay deegaanka Jurf al-Nasr, oo ah goob ay si adag u maamusho kooxda Kataib Xisbullah ee ay taageerto Iiraan.
Afhayeenka ciidamada, Sabaax al-Numan, ayaa Wakaaladda Wararka Ciraaq ee INA u sheegay in Ra’iisul Wasaare al-Zaidi uu guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay arrimaha amniga, kaas oo lagu qiimaynayey natiijooyinka guddigii baadhayey falalka tahriibinta shidaalka ee ka dhacay Jurf al-Nasr, oo ka tirsan gobolka Baabil.
Tallaabadan ayaa timid kadib baadhitaan lagu ogaaday warshado sifayn shidaal oo sharci-darro ah iyo caddeymo muujinaya wax-is-daba-marin la xidhiidha hawlaha tahriibinta.
"Marka la eego natiijooyinka baadhitaanka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu amray in dhammaan shakhsiyaadka lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen hawlaha tahriibinta shidaalka loo gudbiyo garsoorka,” ayuu yidhi al-Numan.
Wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale amray in shaqada laga eryo sagaal sarkaal, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil amni iyo sirdoon oo ka tirsan gobolka Baabil, taliye ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo agaasimaha Shirkadda Dhuumaha Saliidda ee Wasaaradda Saliidda.
Taliyaha booliska gobolka Baabil ayaa sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha xilalka laga qaaday.