Golaha Khuburada Iiran oo soo Saaray Bayaan

Thursday November 12, 2026 - 19:16:13
Golaha Khubarada Iran, oo ah hay'adda kormeerta doorashada Hoggaamiyaha Sare ee dalka iyo hawlihiisa, ayaa bayaan ay soo saartay

Golaha Khubarada Iran, oo ah hay’adda kormeerta doorashada Hoggaamiyaha Sare ee dalka iyo hawlihiisa, ayaa bayaan ay soo saartay ku baaqday in Iran ay ka baxdo Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT), isla markaana dib-u-eegis lagu sameeyo siyaasadda difaaca dalka.

Bayaanka golaha ayaa lagu sheegay in dib-u-eegista siyaasadda difaaca, si loo abuuro awood difaac oo ku filan inay cadowga ka hortagto, iyo ka bixitaanka heshiiska NPT ay hadda noqdeen "baahi aan laga maarmi karin” iyo "dalab shacab iyo mid qaran”.

Golaha Khubarada ayaa ka digay in haddii mar kale la weeraro Iran, ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ay "si degdeg ah oo wax ku ool ah uga jawaabi doonaan, iyaga oo aan wax xaddidaad juqraafi ah lahayn”.

Hay’addu waxay sidoo kale ku baaqday in la dhiso "Xarunta Dhaqaalaha Dagaalka”, oo ay ka qayb qaataan hay’ado iyo ciidamada kala duwan, isla markaana uu kormeero xafiiska Hoggaamiyaha Sare.

Toddobaadyadii u dambeeyay, saraakiil dhowr ah oo Iran ah iyo xildhibaanno ayaa ku baaqay in dib-u-eegis lagu sameeyo siyaasadda nukliyeerka ee dalka, halka qaar ay si cad u muujiyeen in Iran ay u baahan tahay inay hesho hubka nukliyeerka.

Kuwaas waxaa ka mid ah ku-simaha imaamka salaadda Jimcaha ee Tehran, Mohammad Javad Haj Ali Akbari, kaas oo 28-kii Nofeembar ku dhawaaqay in wax ka beddelka siyaasadda nukliyeerka uu yahay "dalab qaran”.

Sidoo kale, Ahmad Naderi oo ka tirsan guddiga hoggaanka baarlamaanka Iran ayaa ku baaqay in la sameeyo bamka atomikada.

Hase yeeshee, Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa 29-kii Nofeembar sheegay in dowladda ay ka fiirsanayso wax ka beddelka siyaasadda nukliyeerka, balse aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin arrintaas.

Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baqai, ayaa 9-kii Nofeembar carrabka ku adkeeyay in Tehran ay weli ku xiran tahay waajibaadka iyo xannibaadaha la xiriira heshiiska NPT.

Source BBC Somali


     
Loading...