hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibaddiisa.
Guddoomiyaha ayaa markii hore ka mid ahaa weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland ee booqashada ku tagay dalka Maraykanka. Hase yeeshee, waxa uu markii dambe weftiga kaga baxay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu muddo ku sugnaa.
Isaga oo ka hadlayey madaarka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, markii uu dalka dib ugu soo laabtay, ayuu sheegay inuu ka mid ahaa weftigii Madaxweynaha ku tagay Maraykanka, balse uu muddo ku hakaday dalka Ingiriiska.
Guddoomiye Faratoon ayaa yidhi: "Waxaan ka mid ahaa weftigii Madaxweynuhu ku tagay dalka Maraykanka. Waxaan ku yara habsaamay, maanta dalkaygii ayaan ku soo guryo noqday."
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa madaarka Cigaal ku soo dhaweeyey Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida, iyo sidoo kale wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland.