Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Guddida Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada
Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa soo xidhay kulankii labaad ee wada-tashiga dadweynaha oo lagaga arrinsanayey matalaadda haweenka ee goleyaasha deegaanka iyo wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka Guud, Xeer Lr. 91/2023.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Guddida Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada, ayaa waxa ka qaybgalay xubno ka tirsan saxaafadda Somaliland, kuwaas oo soo bandhigay aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku saabsan kor u qaadista matalaadda haweenka, caqabadaha hortaagan ka-qaybgalkooda hoggaaminta iyo qodobbada xeerka doorashooyinka ee wax-ka-beddelka lagu samaynayo.
Intii uu kulanku socday, waxa sidoo kale lagu adkeeyey doorka saxaafaddu ku leedahay wacyigelinta bulshada, faafinta xogta saxda ah iyo kor u qaadista fahamka dadweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo ka-qaybgalka haweenka ee go’aan-qaadashada.
Wada-tashigan ayaa qayb ka ah kulamada lagu ururinayo aragtiyaha iyo talooyinka qaybaha kala duwan ee bulshada, si wax-ka-beddelka xeerka loogu saleeyo talooyin ka tarjumaya baahiyaha iyo aragtida bulshada.