hadhwanaagnews

Hadhwanaagnews.com | Oodweyne | Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, agaasime-waaxeedyada wasaaradda iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Daad-madheedh ayaa kormeer ku tegay Dugsiga Hoyga ah ee Oodweyne, halkaas oo ay indho-indheeyeen dhismaha goobaha nasashada hablaha oo hadda socda.
Goobahan ayaa loogu talagalay in gabdhaha wax ka barta dugsigu ay helaan deegaan ammaan ah, nadiif ah oo u gaar ah, kaas oo ay ku nastaan, kuna helaan adeegyo taageero iyo daryeel.
Dhismahan ayaa sidoo kale muhiim u ah kor u qaadista badbaadada, fayo-qabka iyo dhiirrigelinta gabdhaha, si ay si wanaagsan ugu sii wataan waxbarashadooda.