Maayarka Hargeysa iyo Wasiirka Gaadiidka oo Bangiga Adduunka Kala Hadlay Dardargelinta Mashaariicda Waddooyinka

Tuesday November 10, 2026 - 11:27:44
hadhwanaagnews
Kulanka oo ka qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa diiradda


Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Maayarka Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), kaas oo lagaga wada hadlay dardargelinta mashaariicda horumarinta kaabeyaasha waddooyinka ee caasimadda.


 

Kulanka oo ka qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta mashaariicda SHIIP iyo SURP-II Nagaad, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo isku-xidhka waddooyinka iyo kaabeyaasha gaadiidka.


 

Mashaariicda laga wada hadlay waxaa ka mid ah horumarinta jidka isku xidha Hargeysa iyo Ina Guuxa, dhismaha Waddada 150-ka, Biriijka 100-jire iyo isku-xidhka waddada Kantaroolka Madaarka iyo Isha Gobka.


 

Kulankan ayaa qayb ka ah wada-shaqaynta u dhexaysa maamulka caasimadda, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Bangiga Adduunka iyo UNOPS, iyadoo ujeeddadu tahay dardargelinta mashaariicda waddooyinka ee muhiimka u ah isu-socodka gaadiidka iyo horumarinta kaabeyaasha magaalada Hargeysa.

     
Loading...