Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kormeer kadis ah ku tagay laba degmo

Saturday November 21, 2026 - 12:19:05
hadhwanaagnews
Xoghayaha Fulinta ayaa labada degmoodba kala qaybgalay shirarka subaxnimo...



Hadhwanaagnews.com | Hargeysa | Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug (Boosh-Cade), ayaa saaka aroortii hore kormeer kadis ah ku tagay degmooyinka Gacma-dheere iyo Ibraahim Koodbuur.

 

Xoghayaha Fulinta ayaa labada degmoodba kala qaybgalay shirarka subaxnimo ee ay shaqaaluhu si joogto ah u yeeshaan, kuwaas oo lagaga arrinsado hawl-maalmeedka, isku-dubbaridka shaqada iyo dardargelinta adeegyada ay degmooyinku bulshada u hayaan.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo la-socodka shaqada, kor u qaadista hufnaanta iyo hubinta in waajibaadka shaqo si joogto ah oo hufan loo guto.

     
Loading...