Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Degmada Gebagabo

Tuesday November 10, 2026 - 10:09:58
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa degmada u kuur-galay xaaladda



Gebagabo (Hadhwanaagnews) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa kormeer shaqo ku tegay degmada Gebagabo oo ka tirsan deegaannada waqooyiga gobolka Togdheer.

 

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa degmada u kuur-galay xaaladda waxbarasho iyo habsami-u-socodka hawlaha waxbarashada, isaga oo qiimayn ku sameeyey duruufaha waxbarasho ee deegaanka.

 

Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee lagu eegayo xaaladda waxbarashada deegaannada kala duwan ee Somaliland.

     
Loading...