Komishanka Tamarta Somaliland oo Hargeysa ka Furay Kulan Lagu Horumarinayo Xeerarka Korontada

Saturday November 07, 2026 - 14:19:34
hadhwanaagnews
Kulankan oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ayaa diiradda lagu saaray



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland, Cabdi Cige Axmed Good, ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulan wada-tashi oo lagaga arrinsanayo xeer-nidaamiyayaasha iyo tababarka hagayaasha korontada.

 

Kulankan oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ayaa diiradda lagu saaray mideynta habraacyada sharciyeed, tayeynta maamulka adeegga korontada iyo diyaarinta hagayaal waafaqsan baahiyaha waaxda tamarta.

 

Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland ayaa sheegay in dadaalladani qayb ka yihiin qorshayaasha lagu horumarinayo nidaam sharciyeed oo hufan, laguna ilaalinayo xuquuqda macaamiisha, tayeynayo adeegga korontada, isla markaana lagu dhiirrigelinayo maalgashiga waara ee dalka.

 

Kulankan ayaa sidoo kale muhiimad u leh dejinta habraacyo mideysan oo hagaya maamulka iyo nidaaminta adeegyada korontada Somaliland.

     
Loading...