hadhwanaagnews
Hadhwanaagnews.com | Somaliland | Warbixin uu baahiyey telefishanka qaranka Israa’iil ee Kan, fiidnimadii Khamiista, ayaa sheegtay in masuuliyiin ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee kala duwan ee Israa’iil ay hoggaanka Somaliland u xaqiijiyeen in go’aanka aqoonsiga Somaliland aanu isbeddeli doonin, xitaa haddii Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uu xilka ka dego, isla markaana xukuumad cusub oo uu hoggaaminayo Gadi Eisenkot ay talada dalka la wareegto.
Warbixinta ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland aanu ku xidhnayn oo keliya xukuumadda hadda talada haysa, isla markaana aanay jirin qorshe ay Israa’iil kaga noqonayso go’aanka aqoonsiga haddii isbeddel siyaasadeed ka dhaco dalkaas.
Qodobka ugu muhiimsan ee warbixintan ayaa ah sida Somaliland u diyaarsan tahay inay xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed la yeelato dhinacyada siyaasadeed ee kala duwan ee Israa’iil, gaar ahaan kuwa suuragalka ah inay mustaqbalka talada dalka qabtaan.
Siyaasadda Israa’iil kuma koobna Ra’iisal Wasaaraha iyo xukuumadda talada haysa oo keliya, balse waxa jira xisbiyo, isbahaysiyo siyaasadeed, mucaarad iyo kooxo kala aragti duwan oo saamayn ku leh jihada siyaasadda dalka.
Haddii xidhiidhka Somaliland uu inta badan ku koobnaa xukuumadda Netanyahu, waxa muhiim noqonaysa in la ballaadhiyo xidhiidhkaas, lana gaadhsiiyo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dhinacyada kale ee saamaynta ku leh siyaasadda Israa’iil.
Arrintani waxay Somaliland u baahan tahay inay dib u eegto qaabka ay u maamusho xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed, si aqoonsiga iyo iskaashiga labada dhinac aanay ugu xidhnaan shakhsiyaad ama xukuumad gaar ah.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Somaliland laga gudboon yahay waxa ka mid ah inay xidhiidh toos ah la samaysato dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee Israa’iil, gaar ahaan xisbiga Yashar ee Gadi Eisenkot iyo siyaasiyiinta saamaynta ku leh baarlamaanka dalkaas.
Sidoo kale, waxa muhiim ah inay faham qoto dheer ka yeelato siyaasadda arrimaha dibadda ee garabka Eisenkot, aragtidiisa amniga gobolka, xidhiidhka Maraykanka iyo dalalka Carabta, iyo mudnaanta uu siinayo iskaashiga Afrika iyo Badda Cas.
Dhinaca kale, Somaliland waxa looga baahan yahay inay xidhiidhka Israa’iil ka dhigto mid ku dhisan hay’ado dawladeed, heshiisyo rasmi ah iyo iskaashi waara oo ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, beeraha, biyaha iyo tiknoolajiyadda.
Waxa kale oo muhiim ah in Somaliland si cad u soo bandhigto muhiimadda juqraafiyeed ee ay ku leedahay Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga badda, ilaalinta marinnada ganacsiga, dekedaha, tamarta iyo maalgashiga.
Dhanka kale, waxa loo baahan yahay hannaan diblomaasiyadeed oo joogto ah oo ka kooban kulamo, booqashooyin, wadahadallo iyo is-dhaafsi xogeed lala yeesho siyaasiyiinta, baarlamaanka, aqoonyahanka iyo xarumaha cilmi-baadhista ee Israa’iil.
Ugu dambayn, Somaliland waxa muhiim u ah inay yeelato qorsheyaal diblomaasiyadeed oo ku salaysan xaaladaha siyaasadeed ee kala duwan, haddii Netanyahu iyo xulafadiisu sii hayaan awoodda ama haddii Gadi Eisenkot iyo garabkiisu xukuumad cusub dhistaan.
Qodobka udub-dhexaadka u ah arrintani waa in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil laga dhigo mid ku dhisan danaha labada dhinac iyo iskaashi hay’adeed oo sii jiri kara, iyada oo aanay saamayn ku yeelan isbeddellada hoggaamineed ee dalkaas.
Qalinkii: Saleebaan Saxansaxo