Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay munaasibada QalinjabintaJaamacada Qur aanka

Wednesday October 21, 2026 - 16:56:36
waxa kale oo qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda JSL, Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay Munaasib loo soo agaasimay si heer sare ah oo muujinaysay qiimaha weyn ee ay bulshada JSL u hayaan barashada Diinta Islaamka iyo Culuunta Qur’aanka Kariimka ah.
Muhimadda waxa kale oo qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda JSL, Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Ganacsato, Culimaa'uddiin, maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Qur'aanka waalidiinta ardayda qalin-jabinaysay iyo marti-sharaf kale.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, oo munaasibadda ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warramay muhiimadda uu Qur’aanka Kariimka ahi u leeyahay nolosha qofka Muslimka ah, isaga oo tilmaamay in barashada, xifdiga, fahamka iyo ku-dhaqanka Qur’aanku ay saldhig u yihiin dhismaha qof leh akhlaaq wanaagsan, damiir sugan iyo masuuliyad bulsho.
     
Loading...