hadhwanaagnews
Saaxil (Hadhwanaagnews) – Dhakhaatiirta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Saaxil ayaa maanta adeegyo daaweyn iyo nafaqayn xoolaha ah ka fuliyey deegaanka Tuulo Dhibiijo oo ka tirsan degmada Sheekh.
Hawlgalka ayaa waxaa ka faa’iidaystay qoysas badan oo xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo xoolahooda loo fidiyey adeegyo caafimaad iyo nafaqo oo loogu talagalay kor u qaadista caafimaadkooda.
Dhanka kale, dhakhaatiirta wasaaradda ayaa maalintii lixaad hawlo caafimaad xoolaad ka waday deegaannada bariga iyo koonfur-bari ee gobolka Saaxil. Adeegyadan ayaa laga fuliyey deegaannada hoos yimaadda tuulooyinka Ceel-baxay, Qaraadh, Dhuumood Bahalay iyo Xidh-Xidh.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa xilligan roobaadka wada hawlgallo daryeel oo loogu talagalay xoolaha, si kor loogu qaado caafimaadkooda loona taageero qoysaska reer miyiga ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha.
Hawlgalladan ayaa qayb ka ah adeegyada caafimaadka xoolaha ee wasaaraddu ka fulinayso deegaannada kala duwan ee Somaliland.