Madaxweyne Cirro oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Dhallinyaradii Ku Guulaysatay Tartanka Hal-abuurka Teknoolajiyadda Somaliland

Monday November 09, 2026 - 10:26:50
hadhwanaagnews
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Xukuumaddiisa WADAJIR IYO WAXQABAD

May be an image of dais and text


Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay dhallinyaradii ku guulaysatay Tartanka Heer Qaran ee Hal-abuurka Teknoolajiyadda Dhallinyarada Somaliland, kaas oo sannadkan 2026 ay ku tartameen jaamacadaha Boorama, FFU iyo Jaamacadda Togdheer.

Wareeggii ugu dambeeyey ee tartanka ayaa dhexmaray saddexda jaamacadood, waxaana guushu raacday Jaamacadda Togdheer oo ku guulaysatay tartanka hal-abuurka teknoolajiyadda ee heer qaran.

Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan dhallinyaradii ka qayb-gashay tartanka, isaga oo si gaar ah u ammaanay hal-abuurkooda, kartidooda iyo aqoontooda. Waxa uu xusay in dhallinyarada aqoonta iyo teknoolajiyadda ku hubaysani ay yihiin awood muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka iyo horumarka qaranka.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Xukuumaddiisa WADAJIR IYO WAXQABAD ay ka go’an tahay dhiirrigelinta hal-abuurka, cilmi-baadhista iyo horumarinta teknoolajiyadda. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xukuumaddu xoojinayso iskaashiga jaamacadaha, ganacsatada iyo hay’adaha dawladda, si fikradaha hal-abuurka leh loogu beddelo xalal wax-ku-ool ah oo bulshada iyo dhaqaalaha dalka waxtar u leh.

Munaasibadda waxaa sidoo kale hadallo kooban ka jeediyey Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Wasiirka Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer. Masuuliyiintaasi ayaa bogaadiyey aqoonta iyo hal-abuurka ay soo bandhigeen tartamayaashu, gaar ahaan dhallinyarada Jaamacadda Togdheer oo ku guulaysatay tartanka sannadkan.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay maalgelinta aqoonta, kobcinta hal-abuurka iyo dhiirrigelinta teknoolajiyadda. Waxa uu sheegay in xukuumaddu mudnaan gaar ah siinayso dhiirrigelinta dhallinyarada iyo abuurista fursado ay aqoontooda ugu beddeli karaan xalal wax-ku-ool ah, shaqo-abuur iyo horumar qaran.

Waxa uu si gaar ah ugu boorriyey dhallinyarada Somaliland in aanay ku ekaan barashada teknoolajiyadda oo keliya, balse ay noqdaan hal-abuurayaal curiya xalal waara, abuura shaqooyin, isla markaana aqoontooda uga faa’iideeya horumarka dalkooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland u baahan tahay jiil aan mustaqbalka sugin, balse awood u leh inuu isagu mustaqbalka curiyo oo dhiso.

     
Loading...