Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland oo Qabtay Shirkeedii Toddobaadlaha ahaa

Saturday November 07, 2026 - 14:31:38
hadhwanaagnews
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta hawlaha shaqo iyo qorshayaasha



Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, waxaana shir-guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta hawlaha shaqo iyo qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan waxqabadkooda, heerka ay marayaan hawlihii loo qorsheeyey iyo mudnaanta shaqo ee muddada soo socota.

 

Intii uu shirku socday, waxa sidoo kale la isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha Wasaaradda, kor u qaadista tayada shaqada iyo xoojinta hufnaanta hawl-maalmeedka.

 

Shirkan toddobaadlaha ah ayaa qayb ka ah kulamada joogtada ah ee Wasaaradda, kuwaas oo lagu qiimeeyo waxqabadka waaxyaha iyo horumarka laga sameeyey qorshayaasha shaqo.

     
Loading...