Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo ka warbixiyey xaalada guud ee Amniga dalka

Wednesday October 21, 2026 - 20:01:04
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda amniga Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda amniga iyo xasilloonida guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xaqiijiyey in guud ahaan xaaladda amni ee dalku ay tahay mid wanaagsan, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah. Wasiirku waxa uu xusay in Hay’adaha kala duwan ee Amniga Qaranku ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin ilaalinta nabadda, kala dambaynta iyo amniga Qaranka, iyada oo la sii xoojinayo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Hay’adaha Amniga Qaranka iyo feejignaanta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah laf-dhabarta nabadda iyo xasilloonida Qaranka.
     
Loading...